Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeelan doona Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya,kulankas oo ka mid ah Kalfadhiga 3aad ee Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Ajendayaasha Maanta ay ka hadli doonaan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid noqon doonaa Wax ka badalka Xeer-hoosaadka Golaha iyo sidoo kale Heshiiskii Dekada Berbera ee Shirkadda DP World.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in kulankaas lagu soo wargeliyay isla markana Ajendaha ugu muhiimsan uu yahay ka dooditanka heshiiskii dekada Magaalada Berbera.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka markii uu kulanka furmo in xildhibaan walba uu aragtidiisa dhiiban doona isaga oo ka hadli doona waxyaabo ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed.
Kal-fadhiga 3aad ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa Maalin ka hor waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya,waxana Xildhibaanada horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan in ay meel mariyaan.
Hoos Ka Dhageysio Codka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.