Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Timacadde iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo Warbaahinta siwadajir ah ula hadlay ayaa dagaalka deegankja Dhumay waxa ay ku eedeeyeen Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Timacadde iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool uu yahay mid soo lab laabtay,isla markaana tiro laba jeer ah uu deegaankaas dagaalka ka dhacay.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dagaalkaas ay ka dambeeyso Soomaaliland,isla markaana ay hadana nasiibdaro tahay inay dhex dhexaadiso.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shegay in Puntland ay ku baaqeyso in dagaalkaas la joojiyo,isla markaana dadka isleynaya ay yihiin dad walaalo ah.
Waxa uu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid ay Soomaaliland dabada ka riixeyso sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirada.