Dhageyso:-Puntland oo shaacisay qorshaha Ciidankood Mushaaraadka lagu siinaayo

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Puntland  Xasan Shire Abgaal oo shalay xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa ka hadlay qorshaha ay Wasaaradda Maaliyadda ku dooneyso in ay Ciidamada Puntland Mushaaraadkooda ku siiso .

Waxa uu sheegay Wasiir Xasan Shire in Ciidamada Puntland ee Mushaarka la siinaayo ay noqonayaan kuwo diiwaan gashan,isal markaana ay la yimaadan shaqo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in qorshaha Ciidamada Puntland xuquuqdooda lagu siinaayo ay ku imaan karto Ganacsatada reer Puntland oo bixiyaan lacagta Canshuurta ayna Wasaaradda ka shaqeyso.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay Wasiir Xasan Shire in uu la shaqeyn doono shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland,isagoo u rajeeyay Shaqo wanaagsan.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media