Akhriso:-Dowladda Kenya oo shuruudo ku xirtay xalinta Khilaafka Diplomaasiyadeed ee kala dhexeeya DFS

Dowladda Kenya ayaa so obandhigtay 3 Shuruudo hordhac u noqon kara inay DFS ka wada hadlaan Khilaafka ka dhashay Muranka ka dhashay Xaraashka ay Somalia ku samaysay Xirmooyin shidaal iyo Gaas oo laga helay Xuduud-baddeedka ay Kenya sheegnayso.

Saddexda Shuruud ee ay Kenya ku xirtay Wada-xaajood Diplomaasiyadeed oo ay la galaan DFS ayaa waxaa lagu kala sheegay:

1-      In Somalia ay sida ugu dhaqsaha badan kaga laabato Khariidada lagu soo bandhigay Shirweynihii Dhaqaalaha ee dhawaan lagu qabtay magaalladda London, oo ay Somalia ku sheegatay xuduud-baddeedka Kenya.

2-       Inay DFS u sheegto kuwa iibsaday Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee Xaraashkii London inay Somalia lahayn Deegaankaas waa sida ay hadalka u dhigeen.

3-      Dowladda Kenya waxay kaloo doonaysaa in Xalka Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya labada Waddan in xal saaxiibtinimo (xaalmastuur) oo la isla oggol yahay wada gaaraan oo ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Shalay ayey ahayd, markii uu Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Majariya Kamau uu sheegay inay Dowladda Kenya rajeynayso inay saddexdaasi shuruud yihiin Shuruudaha hordhaca ee lagu soo celin karo  Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Somalia oo xumaaday  maalintii Sabtida ee isbuucan.

Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay shalay beenisay Eedeymaha Kenya ee Xaraashka Shidaalka iyo Gaaska ee ay Kenya sheeganayso Lahaanshahooda.

Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia u dirtay dhigeeda dalka Kenya ayaa lagu sheegay inuu jirin qorshaha lagu iibinayo shidaalka iyo gaaska laga helay Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay ilaa ay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ go’aan ka gaarayso Dacwadda ku aadan muranka xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media