Wararka naga soo gaaraya galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulka Puntland halkaas ay geyeen ciidamo horle kuwaas oo aan la ogeyn u jeedka ka dambeeya.
Nabadoon Xasan xaaji oo kamid ah odayaasha degaankaas ayaa sheegay in Puntland ay wali wado dhaq dhaqaaq xoogan kuwaas oo ay ka sameyneeso Dooxada Gaallacyo iyo dhinaca ceelgaabta iyo goobo kale.
Nabadoonka ayaa dhinaca kale dhaliilay gudiga Galmudug ee dhawaan la magacaabay kuwaasi oo aan ka hadlin dhibaatada halkaasi ka taagan.
Halkaan ka dhageyso