DHAGEYSO:- Nabadoon Shido “Musiibo ayaa ka jirta deegaanka Koogaar ee Cadale waxaan ku baaqayaa in loo soo gurmado dadka”

Waxaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay degaanka Koogaar ee hoosyimaada degmada Cadale gobolka Shabeelaha Dhexe gaaray Nabadoono ka tagay magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar si ugu baxaan xiisada dagaal ee degaankaasi.

Nabadoon Maxamed Cabdi Shido oo lahadlay Radio Dalsan kana mid ah nabadoonadaas waxaa uu sheegay in musiibo ay ka jirto deegaanka Koogaar ee Shabeelaha Dhexe, islamarkaana xaalad nololeed ay ka jirto deegaanka oo ay dhawaan ku dagaalameen maleeshiyo beeleed wada daga halkaasi.

Nabadoon Shido waxaa uu ugu baaqay madaxda dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabeelle inay dadkaasi ugurmadaan, si ay uhelaaan kaalmo deg deg ah.

Dhinacakale waxaa uu ka waramay arimaha dib u’heshiisiinta ay wadaan oo uu xusay inay kala qaadeen ciidamadii dagaalamay,islamarkaana hada xaaladu ay dagantahay, balse degaanku ay ka dhacday dhibaato xoogleh oo la gubay Tuulo dad ay daganaayeen,taasi oo sababtay inay kasii darto xaalada.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media