DHAGEYSO:- Madaxweynihii hore Xassan Sheikh oo ku baaqay in laga fogaado khilaafyada imaan kara

Xassan Sheikh Maxamuud madaxweynihii hore ee dowlada oo shalay loo dhaariyey xubinnimada baarlamaanka federaalka ayaa dardaaran ujeediyey xubnaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowlada uguna baaqay inay ka fogaadaan markastaa waxa keeni karo khilaaf ama isku dhac horseedi kara in dibu dhac uu ku yimaado hanaanka dowladnimo.

Madaxweynihii hore Xassan Sheikh oo hada ah xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka ayaa ku taliyey in loo midoobo hormarka dalka iyo sida loo gaari lahaa halka ay Soomaali hiigsaneyso.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media