Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwadii dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay kaas oo ku aadanaa heshiiskii Shirkada DP World ay Soomaliland kula gashay Dekada Magaalada Berbera.
Muuse Biixi oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Haregysa ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan dacweyn DP World laakin Soomaaliland ay dacweysay,isla markaana aysan suurtagal aheyn maxaad heshiiskaas ula gasheyn Shirkada DP World.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi in Soomaaliya ay haatan yihiin kuwo u kala qeybsan Baydhabo,Garoowe, Banaadir, Dhuusamareeb ay shaaciyaan in Soomaaliland dusha ay ka xukumaan,isla markaana mashaqeysan karto.
Shirkiisa Jaraa’id ayuu waxa uu sidoo kale ku sheegay in Soomaaliya Baarlamaankeedii ay laba dhinac isku heystaan in aysan waajib aheyn I ay soo farageliyaan Maamulka Soomaaliland.
Sikastaba tan iyo markii Soomaaliland ay heshiis Saddex geesood ah la gashay dowladda Itoobiya iyo Shirkada DP World waxaa sii xoogeystay khilaafka kala dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya,iyada oo uu sababay in Soomaaliland ay hakiso wadahadalo ay la yeelan laheyd Dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.