Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Kismaayo iyo Culuma’udiinka Magaaladaas ayaa Maanta waxa ay booqdeen Qabuuraha Cagadhiig oo ku yaalla dhanka Xeebta Bari ee Kismaayo kadib markii qaar ka mid ah meydadka ay banaanka yimaadeen.
Goobta Qabuuraha uu ku yaallo ayaa waxaa dadka Magalada ay ka soo qaataan ciida lagu dhiso Guryaha,taas oo sababtay in qaar ka mid ah meydadka dadkii horay loo aasay in ay banaanka yimaadaan.
Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf(Timo Jilic)ayaa sheegay in meydadka dadkii horay loo aasay ay banaanka yimaadeen,waxa uuna sheegay in ay masuul ka yihiin dad Caradii horay loogu aasay doonaya in ay guryo ku dhistaan.
Waxa uu uga digay dadka falkaas ku kacaya,in maamulka degmada Kismaayo uu tallaabo ka qaadi doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Kismaayo.