Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaaliya ayaa maanta xukun dul toogasho ah ku fulisay Nin lagu eedeeyay in uu ahaa Darawalkii waday gaarigii 26-kii November 2016,ku qarxay Suuqa-beerta ee degmada Waaberi qaraxaas oo uu ka dhashay khasaraha dad badan.
Ninka dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabayay Cabduqaadir Cabdi Xasan ,waxana xukunkaan dilka ah uu ka dhacay Fagaaro ku yaalla Iskool Bulusiya ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta Maxkamada Ciidaamda Qalabka sida ayaa waxay sheegeen in Cabduqadir Cabdi Xasan uu ahaa dambiile galay dambiga lagu soo oogay kaas oo ahaa in uu waday Gaariga ku qarxay Suuqa-beerta ee Degmada Waaberi, qaraxaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo Shacab ahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirada