Howlgal lagu qabtay Koox Burcad ah oo laga sameeyay Degmada WarShiikh+Sawiro

Waxaa xalay saqda dhexe dhacay howlgal ballaaran oo ay si wada jir ah u hogaaminayeen Gudoomiyaha Deg. Warshiikh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo Taliyahay ururka 28-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Col. C/qaadir Nuur (Qoondhe)

Howlgalkaasi ayaa kadhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel-macaan iyo xarunta Deg. Warshiikh waxaana lagu soo qabtay labo maleeshiyo iyo hubkii ay wateen kuwaas oo isbaaro ay safarka ku dhibaateynayeen dhigtay Deegaanka Maaxaay,

Labada maleeshiyo ee lasoo qabtay ayaa  magacyadooda waxa ay kala yihiin

1 C/llaahi Muuse Xasan
2 Iidoow Cali Bishaar

Howlgalkaan ayaa sii socondoona maalmaha soo socda iyadoo Gudoomiyaha iyo Taliyaha ay wacad ku mareen in ay sharciga horgeyn doonaan qofkii lagu soo qabto isagoo taagan wadada.

Sawiro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media