Warbaahinta Muqdisho qaarkood iyo Wabasite-yo ayaa waxaa lagu baahiyay in 4 Wasaaradood oo ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya Xarumahooda korontadii laga goostay.
Radio Dalsan ayaa wararkaas baaritaano ku sameeyay,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Xukuumadda Soomaliya ay warkaasi ku tilmaameen been abuur.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Ganacsiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi Casiis Ibraahim Aadan oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Wasaaraduhu ay isticmalaan Matooro ay iyaga leeyihiin,isla markaana aysan jirin Koronto kale oo ay isticmaalaan.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in Wararkaas lagu qoray Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada ay yihiin kuwo lagu dacaayadeeynayo Wasaaradaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradaha qaar ee la sheegay in korontada laga jaray ayaa waxa ka mid ahaa Wasaaradda Beeraha, Ganacsiga, xanaanada xoolaha, batroolka iyo gaadiidka.