Dhageyso:-Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Sh/Hoose oo loo xiray Dhuxul laga dhoofinayey Dekada Baraawe

Ka dib markii 23-kii Bishii June ee Sanadkaan uu xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu soo saarey qoraal uu uga digayey Ganacsatada iyo cidwalba  dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta ayaa waxaa loo xir xiray Masuuliyiin Heer Gobol iyo Heer degmo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xubno uu horkacayey ay tageen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose si ay baaritaan ugu sameeyeen dhuxul dekada Magaaladaas laga dhoofinayey,isla markaana ay mas’uuliyiin u xir xireyn.

“Xubno aan la socday ayaa gaarey Baraawe si aan u xaqiijino in laga hortago dhuxul la doonayey in laga dhoofiyo dekada Baraawe,waxana ku guuleysaney in Baraawe aan dhuxul laga dhoofin,isla markaana aan soo xir xirnay masuuliyiin Gobolka shabeellaah hoose iyo maamulka degmada ka tirsan welina dhuxushii aan joojinay weey taallaa ayuu yiri xeer ilaaliyaha Qaranka.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sii hadlayey ayaa waxa uu sheegay in uu weli jiro culeys ku saabsan sidii looga hortegi lahaa jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha,taasina ay sabab u tahay arrimaha amniga iyo deegaanada qaar oo weli aysan dowladu gaarin.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab iyo AMISOM ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha kana macaashaan,iyaga oo garab ka helaya Ganacsato sida uu hadalka u dhigay,.

Hoos Ka Dhageyso Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor