Maamulka Madaxweyne Trump oo loogu baaqay dib-u-eegista Xaallada Badbaadinta KMG ee Soomaalida ku nool dalkaasi.

Mudane Keith Ellison oo ah Siyaasiga keliya ee Muslimka ee ka tirsan Kongareeska ah oo horkacayo 83 Mudane waxay si wadajir ah Qoraal ugu direen  Xoghayayaasha Ammaanka Gudaha iyo kan Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Kirstjen Nielsen iyo Mike Pompeo, waxayna ku booriyeen inay dib-u-eegis ku sameeyaan Xaallada Badbaadinta KMG ee la siiyo Soomaalida ku nool Maraykanka  (Temporary Protected Status (TPS) for Somalia.

Qoraalkaasi oo ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen Mudanayaashaasi ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxay kaloo ku baaqeen in muddo 18 bilood ah lagu kordhiyo Xaallada Badbaadinta KMG ee Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka

Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee dalka Maraykanka, Kirstjen waxa uu ilaa bishan July 19-da ka fekerayaa Xilli-kordhinta Xaalladda Badbaadinta KMG ee Somalia iyo in kale, iyadoo uu Barnaamijkaasi TPS  uu waqtigiisu ku eg yahay bishan July 19-da.

Mudane Keith Ellison waxa uu ku dhawaaqay inay Maraykanka waajib ku tahay inay sii ahaato Goob Nabadeed oo ay ku badbadai karaan Shisheeyaha, gaar ahaan Soomaalida dhibaataysan,

Waxa uu intaasi ku daray inuu ka si ishaqeyn doono sidii uu ugu dagaalami lahaa sidii loo hubin lahaa Badbaadinta Soomaalida ku nool Maraykanka iyo Taageerida waxa ay u baahan yihiin.

Barnaamijka TPS ayaa ah Nidaam Sharci oo KMG ah oo la siiyo Muwaadiniinta Shisheeyaha ee ku nool Maraykanka ee ka kala yimid dalalka ay Colaadaha Hubeysan, Masiibooyinka Dabiiciga iyo dadka aan xaalladaha aan caadiga ahayn uga soo cararay dalalkooda hooyo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media