Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Ahmed Ducaale Geelle Xaaf oo weli ku sugan Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Manta komeeray Saldhiga Ciidanka Booliska Galmudug halkaasi uu kula kulmay sarkiisha Ciidmada amaanka Galmudug.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa Saldhiga ku soo dhaweeyay,waxaana ujeedka kormeerkiisa lagu sheegay sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaalada ay ku Shaqeeyaan Ciidamada.
Saraakisha Ciidamada ayaa Madaxweyne Xaaf waxa ay u sheegeen in xaalada amaan hadda ay tahay mid wanaagsan islamarkaana Ciidamada ay u baahan yihiin gaadiid ay ku shaqeyaan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Ciidamada ku amaanay sida ay u xaqiijiyeen amniga guud ee gobolka mudug wuxuna balan qaaday in ka maamul ahaan ay wax ka qabanayan cabashada ciidamada Booliska Galmudug uga timid.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaweynaha Galmuudg kana daawo Sawirrada.