Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in loo baahan yahay dhamaan Shacabka iyo ciidamada in ay u midoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in ay yihiin cadaw nagu dhex jira isla markaana  dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dagaalkooda leyska kaaashado.
Waxa uu ugu baaqay ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM in ay bilaabaan holwgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Shacabka Koonfur Galbeed in ay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga si loo helo Nabad.
Hadalkaan ayaa Shariifka waxa uu ka jeediyay furitankii kala-fadhiga 4,aad ee Baarlaamaanka Koonfur Galbeed ee uu shalay furay,iyada oo khudbadiisa ay inta badan uu uga hadlay dhanka amniga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif