Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka suudaanta Koonfureed ayaa waxa uu markii ugu horeeyay ka hadlay khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowlad goboleedyada ay yihiin kuwo doonaya xilligaan inay matalaan Madaxda Dowladda,isla markaana la kulmaan beesha Calamka.
Waxa uu sheegay in dowlad Goboleedyada ay gabeen Shaqooyinkii ay uga baahnaayeen Shacbaka deegaanadooda ay madaxda ka yihiin sida Adeegyada,Caafimaadk, waxbarashada iyo waxkasta oo uhiim u ah.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedyada ay yihiin kuwo mar walba jecel in ay farageliyaan Siyaasada Arrimaha Dibada,isla markaana Wakiilo dhinaca dibada ah uga noqdaan Soomaaliya,isla markaana aysan uga dambeyn Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dahxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada wallow ay xalintooda ku jiraan madax ka tirsan Beesha Caalamka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.