Madaxweynaha Cusub ee aan weli la caleemo saarin ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa ka hadlay qorshihiisa dhinaca amniga ee uu qaadayo xilli mararka qaar deegaanada Puntland ka dhacaan falal Amnidarro.
Waxa uu sheegay in tallaaba walba oo dhanka amniga ah uu qaadi doono maamulkiisa,isla markaana Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaanada Buuraleyda ah e Gobolka Bari ay ka saari doonaan.
“Puntland in kastoo sida dhinaca Koonfurta aheyn hadana labada buureed ee dhinaca Galbeed iyo Bariga ka xiga Magalada Boosaaso waxaa ka howlgalla Al-Shabaab iyo Daacish,waxana nooga qorsheysan Puntland,iyada oo kaashaneyso bulshadeeda inay soo afjarto si dadka Puntland nabad ay ugu naaloodaan ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Majirin waqti rasmi ah oo uu sheegay inay bilaabi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab,hayeeshee Madaxweynaha Cusub ee Puntland ayaa cadeeyay in qorshihiisa u qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Si kastaba deegaanada kala duwan ee Puntland sigaar ah Gobolka Bari waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo iyo dilal qorsheysan oo ay inta badan mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland.