Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Talaado ah waxa uu tagay Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee doorashaooyinka Qaranka,isaga oo halkaasi ka soo qaatay Xeerka Asxaabta Siyaasada iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka xafiiska guddiga uu u tagay inay tahay inuu ka soo qaato Xeer Asxaabta Siyaasada iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada,isaga oo matalaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xisbiga isdiiwaangelinaya lagu soo wareejiyey,isla markaana iyaga oo u hoggaansamaya sharciga in Xisbiga dhawaan ay dhisaneyso xukuumadda Soomaaliya sharcigaan lagu saleyn doono.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa horay si KMG ah ugu diiwaangeliyey 22 Xisbi siyaasadeed,kuwaas oo maray habraacii isdiiwangelinta iyo shuruudaha loo baahan yahay in la fuliyo ee ku cad buugga hagaha Xisbiyada iyo siyaasada.