Ra”iisul-Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlayay munaasabad uu kaga dhawaaqayay xisbi siyaasadeed cusub ayuu uga hadlay xaaladda dalka iyo shaqooyinka looga baahanyahay xisbiyada.
Cali Maxamed Geeddi ayaa tilmamay in aan la aqbali Karin muddo kororsi ay sameystaan madaxda dowladda,isaga oo shaaca ka qaaday in nidaamka xisbiyada badan uu dalka u hor seedayo in uu dhibaatada ka baxo.
Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in dalku uu u diyaar garoobayo sidii ay doorasho qof iyo cod ah ay uga dhici laheyd taas oo uu sheegay in looga baahanyahay xildhinaabada labada aqal in dalka ay u hor seedaan doorasho qof iyo cod ah maadaanma ay ansixin ka rabaan sharciyo badan.
Halkaan Ka Dhageyso Codka