Dhageyso:-Maamulka Magaalada kismaayo oo amaro soo saaray (yuu ku socdaa)

Maamulka Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka jubbada Hoose ayaa soo saray amaro ku socda Ganacsatada Magaalada Kismaayo iyo qaabka ay wax u wajahayaan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramamaan oo ay inaga xigto wax ka yar 24 Saacadood.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic) oo War-Baahinta la hadlayay ayaa sheegay in inta lagu jiro Bisha Ramadan aan la arki karin goobo lagu kariyo raashinka oo laga furo kismaayo si ay wax uga cunaan kuwa masoomayaasha ah.

Waxaa kaloo hadalkiisa intaas uu raaciyay in cid alaala iyo cidii lagu arkaay iyadoo cunto karineysa Maalin cad inta lagu jiro bisha Ramadaan ay talaabo ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media