Al-Shabaab oo sheegtay dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xalay Magaalada muqdisho waxaa lagu dilay Haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Cilmi yuusuf,xili ay ku sugneed qeybo kamid ah degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Xaliimo ayaa ku sugneed Xaafada Sey Piano ee degmada Hodan,waxaana dilkeeda kad ambeeyay sida la sheegay Sadax Nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo markii ay dileen goobta ka baxsaday.

Hadaba waxaa Warar kala duwan ay ka soo baxyan dilka Haweeneydaas wararka qar ayaa waxa ay shegayan in ay kamid aheyd Ergadii Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliya halka warkale uu sheegayo in ay aheyd qof Ganacsato ah.

Al-Shabaab ayaa War qoraal ah oo ay soo dhigeen Barta Intarnet-ka waxa ay ku sheegeen in Xaliimo ay kamid aheyd ergooyinka Xildhibaanada ku doortay Cadaado islamarkaana ay dilkeeda ka dambeeyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media