DHAGEYSO: Maamulka Koonfur Galbeed oo Sheegay xirnaashaha Wadooyinka inay Caqabad ku tahay Caafimaadka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay go,doonka deeganada qaar ee maamulkiisa, waxaana uu sheegay xirnaashaha wadooyinka inay dhibaata ku tahay dadka dagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhanka Caafimaadka oo uu xusay in dadku ay u baahanyihiin gargaar caafimaad, hadane eysan suuragaleyn inay helaan, maadaama ay go’doon ku jiraan degmooyinka qaar.

Madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya inuu xooga saaro sidii la,isugu furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Alshaabaab, si looga saaro go’doonka deegaanadaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media