Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meeyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa waxaa uu Digniin adeg u diray Ganacsatada kunool Magaalada Jowhar iyo deegaanada Hirshabeelle,kuwaasi oo uu sheegay inay aadaan deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Axmed Faal in cidkasta oo kamid ah Ganacsatada ku sugan Magaalada Jowhar oo ay ogaadaan in ay tagaan deegaanada Al-Shabaab ama u safra ee kusoo laabta Magaalada ay tallaabo adeg ka qaadi doonaan,isla markaana sharciga la horgeyn doono.
Ciidamada amniga Hirshabeelle ayuu ku amray Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meeyre Makaraan inay gacanta ku dhigaan cidkasta oo ay arkaan iyada oo aadeysa deegaanada ay maamulaan Al-shabaab,isagoona xusay in cidii aada shabaab aysan u soo laaban doonin Hirshabeelle.
Sikastaba ha’ahaateen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gacanta ku haaya dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,waxaana Maxkamadaha halkaasi ay ku leeyihiin garsoor u doonta dadka shacabka ah.