Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo sameeyey howlo burburin ah

Waaxda Gadiidka dowladda Hoose ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal burburin ah waxa ay ka sameysay Waaxda Kacaan ee gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Blacksea iyo Bakaaraha.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu bur buriyey goobo Ganacsi uu Maamulka gobolka Banaadir sheegay in markii hore lagu dhisay qaab Sharcidarro ah.

Guddoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Cabdi Kariin Cali Kaar,ayaa sheegay in Wadadaas ay aheyd mid xirantay,isla markaana taasi ay dhibaatay dhibaato amnidarro.

Waxa uu uga digay Ganacsatada in ay markale Ganacsiyo ka dhex sameystaan bartamaha Wadada,sidoo kalena looga baahan yahay in ay ka Shaqeeyaan amniga iyo nadaafada.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax,ayaa sheegay in Wadadaas ay ka jirtay dhibaato dhinac walba leh,isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan ogolaan doonin dadka sida sharcidarrada ah ugu ganacsanaya,horayna ay digniin u siiyeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Masuuliyiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor