Bishii lasoo dhaafay waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhacayay shilalkii ugu badnaa waxaana laamaha amniga Jubbaland ay shaaciyeen 15 Shil oo Bishaan December gudaheeda ka dhacay M/Kismaayo.
Shilalka ugu badan ayaa waxa ay ka dhaceen Bartamaha laamiga Kismaayo oo ah mid mashqul badan,isla markaana wadadu ay tahay mid cariiri badan.
Taliyaha Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Magaalada Kismaayo Gaashaanle dhexe Bashiir Xiis Khaliif oo ayaa sheegay in darawalada oo aan lahen khibrad badan iyo wadooyinka oo ciiiri ah ay sababeen in shilalka ugu badna ka dhacaan Magalada Kismaayo.
Sidoo kale taliyuhu waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay wadaan bixinta lesinada darawalnimo,si loo hubiyo khibrada uu leeyahay dadka Gawaarida wada.
Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Magaalada Kismaayo.