Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhex dhacay Guri ku yaalla Muqdisho

Maqribnimadii Caawa ayaa waxaa qaraxa jugtiisa  laga maqlay Xaafado badan oo ka tirsan degmada deeyniile ee gobolkaan Banaadir,waxana la sheegay in uu khasaaro geystay.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu diyaarinayay guri ku yaalla Xaafada Oodweyne ee degmada deeyniile,isla markaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa faah faahin ka siiyay qaraxa qaabka uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

“Sxb Xiliga maqribka agtiisa ayaa qaraxa ka dhacay Xaafada Oodweyne ee D/Deeyniile gaar ahaan Guri ku yaalla halka loo yaqaano 5 (Shanta )Barxadood,waxana aragnay aniga iyo dad kale Qof dumar ah oo Madaxda ka go’an iyo Wadno qof bani’Aadam ah oo dhulka yaalla sidoo kale xero Ari oo meesha ku taallay wey burburtay ayuu yiri Goobjoogaha”

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaaraha guud ee dhimashada ay tahay ilaa Saddex ruux oo mid ka mid ah uu yahay Carruur,Haweneyda iyo qof kale oo loo sheegay,isla markaana ay markii dambe kala eryeen ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi tegay.

Sikastaba weli laamaha amniga Soomaaliya wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas iyo khasaaraha Guud ee ka dhashay marka laga tago dadka deegaanka waxa ay arkeen.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Qofka Goobjooga ah oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media