Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayaya agagaarka Warshadii hore ee baastada ee degmada Yaaqshiid.
Qaraxa kadib ayaa waxaa ay ciidamadu fureen rasaas farabadan,waxana la sheegay in khasaaro ah ka dhalan qaraxa iyo rasaasta ay Ciidamadu fureen.
Inta badan Wadada Warshadaha ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM markii ay marayaan waxaa lala eegtaa qarax miino,iyaga oo ku jawaaba rasaas farabadan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa gaaray halka uu qaraxa ka day,iyaga oo mudo daqiiqado ah xiray isku-socodka dadka iyo gaadiidka inta u dhaxeysa Isgoyska Ex-koontorool Balcad iyo Ceymiska.
Dhageyso Wariye Madax banaan Maxamed Soomaali oo aan ka wareysanay qaraxaas.