Maxaa ka jira in la joojiyay Baasaboorkii Hay’adda Socdaalka ka bixin jirtay Xafiiska Garowe?

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay iney joojisay Baasaboorka ay ka bixineysay Xafiiska magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Hay’adda oo markii hore deganeyd guri Kiro ah oo gaar leeyahay ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garowe,halkaasi oo ka sii socon doonto howsha Shacabka ay u heyso Hay’adda.

Hay’addu  waxay mar kale ku wargalineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruntaan in ay adeegga bixinta baasaboorku dib uga bilaaban doonto xarunta cusub maalinta beri ah oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018.

Dhinaca kale Hay’addu waxay cadeyneysaa in aysan matalin isla markaana wax mas”uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu danbeyn, Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan maamulka gobolka Nugaal wadashaqeynta hagaagsan, islamarkaana ku saleysan sharciyada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media