Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu  faah faahin ka bixiyeen howlgal ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada xoogga dalka,ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay Buundada Araare oo 65 KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo una dhow  degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo ay Al-Shabaab maamulaan.
Howlgalkaas ayaa Jubbaland sheegtay iany  ay ku dileen 10 kamid ah Al-Shabaab ,isla markaana khasaaro kale ay ku gaarsiiyeen sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland Isaaq Maxamed Xassan.
Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli ka socda duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose