DHAGEYSO:- Isku soo bax Roob doon oo uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in lagu qabto Muqdisho

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyada soomaaliya ayaa Axadii Todobaadkan iclimaayey isku soo bax roob doon ah si alle loo baryo,islamarkaana dadku ay isugu yimaadaan masjidka isbaheysiga Muqdisho,si halkaasi ay ugu tukadaan Salaad roob doon ah.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay Banaanbaxan oo goor dhow lagu wado inuu ka qabsoomo Muqdisho,waxaana kala qeyb galaya shacabka madax katirsan dowlada federaalka oo ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo.

Dhinackale Amaanka ayaa loo adkeeyey iyadoo wadooyin badan loo xiray isku soo baxaasi,waxaana ciidamada dowlada lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho iyagoo gaadidka iyo dhaqadhaqaaqa dadka hakinaya si loo hubiyo Amaanka Magaalada.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media