Dhageyso:- In ka badan 40 Dhalinyaro ah oo lagu Xirxiray DDSI

Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ayaa lagu eedeeyey xariga in ka badan 40 dhalinyaro ah oo laga qab qabtey Labadii Cishe lasoo dhaafay magaalada Jigjiga. Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xoogan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aanan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda.

Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia ayaa shegay in xariga dadka uu soo bilaawday Isniintii la soo dhaafay,isla markana la soo xir xiray dad isugu jira Dhalinyaro,Odayaal iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Abshir waxa uu sheegay in xariga dadkaan ka dambeyso kacdoon isbedel doon ah oo xilligaan ka socda dhammaan deegaanada dowald deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay dadku wadan si meesha looga saaro maamulka ka jira.

Horay ayaa dhowr magaalo oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa uga dhacayey dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka,waxana intii ay socdeen la dilay dad rayid ah oo qaarkood guryihii ay deganaayeen lagala baxay.

Hoos Ka Dhageyso Codka qof  ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media