Barnaamijka dooda Dalsan oo ah Barnaamij todobaadle ah ayaa waxaa lagu soo qaataa hadba mowduuca u baahan in todobaadkaan laga hadlo ama saameyn ku lahaa Bulshada Soomaaliyeed.
Todobaadkan ayaa Barnaamijka looga hadlayaa xiisada ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Magaalada Berbera,kaas oo ay wada galeen Dowladda Itoobiya Shirkada DP World oo laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Soomaaliland.
Todobadkaan Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya Cabdinaasir Cabdullaahi Heybe oo ah falanqeeye Siyaasadeed iyo Maxamed Cali Xuseen oo ah Bare ahna falanqeeye Siyaasadeed.
Hoos Ka Dhageyso Barnaamijka oo uu soo jeedinaya Wariye Axmed Xuseen Cadoow.