Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa ka wada deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.
Howlgalladaas ayaa la sheegay in lagula wareegay deegaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur oo la hadlay dalsan ayaa sheegay in intii uu hwolgalkas ocday dhulka laga saaray miinooyin ay ku aaseen Al-Shabaab,sidoo kalena qaarkood ay qarxiyeen.
Ciidankan howlgalka sameeyay ayaa ka baxay Degmada Jalalaqsi,iyaga oo isku maray Deegaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi.