Muqdisho(Radio Dalsan):- Gudoomiyaha Gudiga doorashada dadban Cumer Maxamed Cabdulle Cumer dhagey oo galinkii danbe ee maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaciyay in dib u’dhac uu kuyimid jadwalkii doorasho ee madaxtinimada dalka oo lagu madlanaa in 30-bishan gaba gabada sii mareysa ee November ay dhacdo balse Gudoomiye dhagey ma,uusan shaacin waqtiga ay dhaceeso doorashada madaxweynaha .
Musharxiinta kusoo baxay kuraasta lagu muransanyahay ee aqalka hoose ayuu sheegay gudoomiye cumer dhagey hadii ay ku cadaato eedemaha laga soo gudbiyay aysan heli dooni shahaadad xildhibaanimo taa oo la micna ah in uusan shaqsigaa kamid noqon doonin baarlamaanka cusub .
Gudoomiye Cumer dhageey ayaa suxufiyiinta la wadaagay tan iyo october markii ay bilaawdeyn doorashooyinka labada aqal ay baarlamaanka mudayaashaa soo baxay .
10-sebtembr ayey markii ugu horey dib uga dhacday doorashada madaxtinimo waqtigeeda oo xiligaa ayaa ku ekeed muda xileedka dowlada waqtigeedu idlaaday ee uu hayinka u hayay mudo afarsano madaxweyne xasan sheikh Maxamuud hasa ahatee jadwalkii xigay ee 30-october ayaa marke dibu dhacay ku yimid .
30-ka november oo ay inaga xigaan laba cisha oo kaliya ayaa hadane waxaa fashilmay jadwalkii sedexaad ee doorashada madaxtinimada loo asteeyay
tani ayaa dad qaar waxa aaminsnayihiin in sii yareeneeso kalsooni shacabka somalida oo ku raja wenaa in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan.
Halkan Hoose Ka Dhageso Codkiisa
©Radio Dalsan