Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa hadalo ka jeediyey xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo jandaha uu ahaa xeer hoosaadka golaha balse xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka laga hor-istaagay inuu ka hadlo dilalkii ka dhacay Magalada muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Camar Dalxa oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa ku bilaabay hadalkiisa inuu ka hadlo dilalkii u dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho,balse waxaa u diiday guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Xildhibaan Dalxa ayaa yiri,Mudane Guddoomiye Isbuucii la soo dhaafay waxaa dhacay falal dambiyeedyo oo aad runtii u xanuun badan u qaabdaran,diinta islaamkana taabaneysa marka waxan rabnaa.
Intaasi kadib guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaan Dalxa ku wargeliyey in Ajandaha ku saabsan Amniga mudo Saddex maalin ah laga hadlayay,isla markaana haduusan wax kale heyn hadalka iska-joojiyo.
Hoos Ka Dhageyso Hadalada Xildhibaan Dalxa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.