Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmad iyo senataro ayaa waxaay kormereen xabsiga dhaxe ee xamar oo ay ku xiranyihiin Maxabiis danbiyo kala duwan ku xukuman.
Waxaa ku soo dhaweyay xabsiga taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac .
Masuuliyiintaan ayaa booqday maxabiista iyagoo ka xog wareesteen cunooyinka ay cunaan iyo jiifka sidoo kale wax ay soo arkeen maxabiis uu taliska barayo garaacista noocyada kala duwan ee musigada si dhalinyarada ay u helaan xirfado ay ku shaqeestaan markii uu dhamaado xunkooda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta ku aamanay sida uu masuuliyad isga saray in maxaabiista ay helaan nolol dhameestiran .
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Cabdi Xaashi.