Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Abuukaate Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ay bilaabayaan qorshayaal falalka la xiriira musuq maasuqa ay mararka qaar ka cabanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee garsoorka u doontay Ha’adaha Garoosrka dalka looga hortagayo.
Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka aysan aheyn goobo dhaqaalo loo soo doonto cid alaala iyo cidii ku fikireysana uu kula talinayo in ay shaqada isaga tagto oo ay Shaqooyin kale ka raadsato.
“Waxaan halkaan u nimid in aan ugu adeegno Shacabka Soomaaliyeed si cadaalada ah balse umaanan imaan in aan dhaqaale ka tacbano Ummada Soomaaliyed ee tabaaleysan sidaasi darteed cid alaala cidii Garsoorka dalka u timid in ay dhaqaalo ka sameysato ,a isaga tagto ee Ganacsi ama sahqooyin kale ha abuurato.
Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Abuukaate Baashe yuusuf Axmed ayaa kusoo aadaya xilli uu horay u sheegay markii uu xilka la wareegayey in uusan aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed lagu musuq maasuqa Garsoorka dhexdiisa loogana faa’iideesto.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxkamada Sare ee dalka.