Dhageyso:-Guddiga soo xulista Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa Magacaabay Guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad, kuwaasi oo ka kooban 10-xubnood.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Warbaahinta u Akhriyay Warqada Magacaabista.

Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka

Comments
Loading...