Xildhibaanada Mandheera oo Dalab ka dhan ah Wasiir Janan u gudbiyay Kenya

Qaar kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay Bariga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xaalada Mandheera iyo Arrimo la xariira Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid  Xasan Cabdinuur Janan.

Xildhibaanada oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa waxaa sheegeen inay doonayaan in Ciidamada Wasiir Janan ee ku sugan gudaha Mandheera si deg deg ah looga Magaalada, kadib markii halkaas ay fariisimo ka sameeysten.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay tilmaameen in Ciidanka Wasiir Janan ay halis ku yihiin amniga,  isla markaana waxaa ay Wasiirka amniga Jubbaland ka dalbadeen inuu si deg deg ah isaga iyo Ciidankiisa uga baxaan deegaanka.

Mid kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay Bariga Magaalada Mandheera ayaa waxaa carabaabay in Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland iyo Wasiir Janan ay degan yihiin hotel ku yaalla Mandheera ayna la joogan Ciidamo aad u hubeysan.

Waxaa kaloo Xildhibaanada ay dowladda Kenya ugu baaqeen in Mandheera ay ka saarto Wasiirka amniga Jubbaland oo haatan baxsad ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhawaan soo saartay Waaran Caalami ah oo loogu soo gacan-gelinayo.

Cali Roba oo ah Guddoomiyaha Mandheera ayaa isla tilmaamay in Ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa Degmooyinka Balad-xaawo iyo Doolow ay soo galeen gudaha Mandheera, kadib markii degmooyinkaas maalmo kahor ay la wareegeen Ciidanka dowladda Soamlia

Si kastaba Wasiirka amniga Jubbalan ayaa haatan ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana uu horey u tegay Mandheera, hayeeshee  dib ayuu uga soo laabtay, isagoona baxsad ka ah dowladda Federaalka oo baadi goob ugu jirto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media