Cabdikariin Sheikh Xuseen iyo Xassan Axmed Xassan Daa’uus oo ka socday Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Holland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 60.000 oo dollar waxaa ay ku wareejiyen guddiga gurmadka abaraha qaranka, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaarada arrimaha gudaha.
Waxaa gudoomay deeqdaasi Sheikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah guddiga gurmadka, waxaana ay sheegen in jaaliyada ku dhaqan Holland ay markii afaraad soo gaarsiiyen deeq lacageed oo ay uga mahadceliyeen sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka abaaraha.
Cabdikariin Sheikh Xuseen oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’antahay samata bixinta dadka ay abaaruhu saameyeen.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.