Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa Shir Deg-Deg ah ku yeeshay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana shir Gadoominaayey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen .
Golaha Wasiirada ayaa Ansixiyay Miisaniyada 2019-ka oo ay horey usoo Gudbisey Wasaaradda Maalliyadda Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxana lagu Ansixiyay gacantaak, waxaa ogalaadey 24-wasiir waxaa diidey 1-wasiir wax ka aamuseyna malahan waxaa sidaasi lagu ansixiyay Miisaniyadda 2019-ka.
Ugaas Xasan Abdi Maxamed oo ah Wasiirka Warfafinta KGS ayaa Faafahin ka Bixiyay Qodobada looga hadley Shirka Golaha Wasiirada Maanta.