Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay walaac xoogan ka muujiyeen dilalka loo geysano dadka Soomaalida ah ee ku ganacsata dalkaasi
Sidoo kale waxa ay sheegeen in ganacsatada gudaha wadanka Koonfur Afrika sanadkan gudihiisa dilal loogu geystay dhowr qof oo Soomaaliya,isla markaana ganasiyo ku lahaa dalkaasi.
Nuur Inji oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo kunool dalka Koonfur Afrika oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in ay walaac xoogan ay qabaan dilalka ku soo batay Koonfur Afrika,isla markaana waxa uu sheegay in Sanadkan gudihiisa dalkaasi lagu dilay 7 qof oo Soomaali ah kana mid ahaa Ganactada sida weyn looga yaqaanay gudaha Koonfur Afrika.
Sidoo kale Nuur Inji ayaa tilmaamay in dilalkaasi loo geysto dadka Soomaali ah aysan jiran cid hadasha oo iska xil-saartay,iyadoo markii uu dil dhaco goobta ay tagaan oo kaliya Ciidamada Booliska Koonfur Afrika,kuwaasi oo sameeya baaritaano aan wax natiijo ka soo bixin.
Magaalooyinka kala duwan ee ku yaalla Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dilayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ganacsiga ku leh,iyadoona mudooyinkii dambe halkaasi ay ka dhaceyn dilalka loo geysanayo dadka Soomaalida ah
Hoos ka Dhageyso Codka Nuur Inji .