Dhageyso:-Galmudug oo ka hor timid Go’aankii Wasiirka Waxbarashada

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hor timid Go’aankii Wasiirka Waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku joojiyay Imtixaankii Shadaadiga ahaa ee Ardayda dugsiyada sare ee dalka u socday.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Cabdi falko oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Wasaarada Waxbarashada dowladda looga baahnaa in Mas’uuliyad ay iska  saarto ilaalinta Imtixaanka,isla markaana wixii dhacay ay ahaayeen wax saameyn weyn ku yeeshay Adayda Soomaaliyeed.

Dowlada ayuu ugu baaqay Maxamed Falko in si deg deg ah Ummada Soomaaliyeed ugu soo bandhigto cidii ka dameeysay in Imtixaanka banaanka la soo dhigo oo Qish ahaan Ardayda ay u helaan.

Sidoo kale waxaa uu ardayda reer Galmudug iyo Waalidiinta u sheegay in Maamulka Galmudug uusan ka aamusim arrinta Imtixaanka,isla markaana ay arrimtaas kala hadli doonaan Wasaaradda Waxbarashada dowlada Federaalka si xal looga gaaro.

Isaga oo sii hadlaaya Wasiirka Waxbarashada Galmudug ayuu Wasaaradaha Waxbarashada dowlad Goboleedyada dalka iyo tan dowladda Federaalka ugu baaqay inay isugu yimaadan shir deg deg ah si loo badbaadiyo in badan 30 kun oo Arday Soomaaliyeed,kuwaasi oo laga joojiyay imtxiaankii shahaadiga ahaa ee u socday.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Waxbarashada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media