Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markii ugo horeysay waxa u faah faahin ka bixiyey khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalo mudo Saddex Maalmood ah ka socday koonfurta Gobolka Mudug kaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dad Shacab ah.
Deegaanada Caad iyo Maamiyo ayaa dagaalada ugu cuslaa ay ka dahceyn,waxana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac.
Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in dadka Shacabka ah ay iska difaacayaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay cadaadis kala kulmeen,waxa uuna sheegay in laga dilay Al-Shabaab ku dhawaad 20 halka dadka Shacabka ahna laga dilay 5 ruux oo uu mid ka mid ah yahay Nin Oday ah.
Waxaa kaloo uu sheegay in Galmudug ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dadka Shacabka ah.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya goobihii lagu dagaalamay ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu Maanta ay tahay mid degan,balse la filan karo dagaal maadaama weli labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo wadaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha degmada Hobyo.