Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dilla oo hoostaga Magalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo banaanbax ay dhigayaan dadweynaha ku nool degaankaas.
Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Dilla ayaa isugu soo baxay Wadooyinka deegaankaas,waxana la sheegay in ay ka soo horjeedaan Wiil Dhalinyaro ah oo ay Xabsiga dhigeyn ciidamada Booliska Soomaaliland.
Wiilka Dhalinyarada ah ee Ciidanka Soomaaliland ay xireyn ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdi Shakuur Aw Cali Buux,waxana booliska ay ku eedeeyeen in uu ka mid aha dhlinyaro ishor-istaag ku sameeyey Makiinadaha Cagaf Cagafta loo yaqaano oo uu Maamulka lahaa kuwaas oo doonayey in ay Beero ka qodaan Banaanka deegaanka Wajaale.
Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa ku dhawaaqayey Erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka deegaanka Dilla,iyaga oo dalbanaya in laga soo daayo Xabsiga Booramo oo uu ku xiran yahay.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.