Magaalada Kolombos ee dalka Mareykanka waxaa lagu aasay allaha u nxariistee Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed oo ahaa labo Gabadhood oo Soomaali ah oo walaalo ahaa kuwaas oo Axadii ku geeriyooday shil gaari sida ay xaqiijiyaan ehelada gabdhahaas geeriyooday
Ciidamada Booliska Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waddo Baaritaano ku aadan geeridda Labo hablood oo Soomaalida ah oo la sheegay in ay ku dhinteen Shil gaari waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Amina Maxamed oo la dhalatay labadda Gabdhood ee geeriyooday taas oo hadda taala xarun caafimaad iyadoo dhaawac ah
Cumar Khalif oo ah ehelada ay dhibaatadu soo gaartay ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen,waxaana uu sheegay in Amaal ay waday Gaariga,sidaasina ay shilka ku galeen.
Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay Markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.
Dhawaan ayay aheyd markii labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen.