Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xayiraadii dowladda Soomaaliya saartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif xili uu doonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay xariyaada dowladda Madaxweyne Farmaajo saartay Sheekh Shariif iyo wafdigii la socday oo kusii jeeday Kismaayo,isla markaana xusay in arrintaas uu shariif uga tacsiyadeynayo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka shaqeyaan kicinta dhalinyarada,hayeeshee arrintaasi laga gudbi doono.
Hadalka Eng. Feysal Cali Waraab ayaa waxaa ku soo aadyaraa,iyadoo maalin kahor Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho loo diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo,isagoona ka qeyb geli ahaa Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaan Axmed Madoobe.
Hoos ka Dhageyso Codka Eng. Feysal Cali Waraabe.