Duqeyntaas ayaa waxaa fuliyey Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa AMISOM,waxaana ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha Howlgalka hoggaaminayey ayaa wax ay sheegeen inay ka fuliyeen deegaanada Weelmaaroow,Suuboow iyo deegaano kale,isla markaana uu isugu jiray Cirka iyo dhulka oo ay diyaarado ka qeyb qaateen.
Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey,isla markaana duqeyn dhinaca circa ah ay fuliyeen Ciidamada AMISOM halka Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay weerar toos ah ku qaadeen.
Waxa uu sheegay Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam in ay xog ku heleen inay Al-Shabaab deegaanadaas isku aruursanayeen,isla markaana ay doonayeen inay weeraro soo qaadeen.
Cor,Saalis lalamba oo ka mid ah Saraakisiha ciidamada AMISOM ee howlgalkaas ka qeyb qaatay ayaa uga mahad celiyey Ciidamada Jubbaland ka qeyb qaadashada howlgalkaas oo lagu qaaday tuulooyin ay maamulayeen Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam.