Dowladda Somaaliya ayaa sheegtay in xiligaan Shacabka Somaaliyeed ay yihiin kuwo Gacmaha isheesta islamarkaana bilaabay talaabooyin badan oo dadka ay isugu kaalmeeynaayaan si looga gudbo abaarta weli ka jirta qeybo badan oo kamid ah Gobolada Soomaliya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow,ayaa sheegay in dowladdan ay tahay tii Shacabka islamarkaana dadaal badan ay ku bixisay in shacabku iskaalmeeyo taas oo keentay in lacago farabadan ay soo aruuriyaan Guddiga Gurmadka abaaraha Soomaaliya.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soamaliyeed in ay iscaawiyaan maadaama ay fooda inagu soo heeyso bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maalmo qura inaga xigto si aan uga gudubno kaalmo aan weeydiisano dalalka shisheeye sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay xili shalay degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir uu ka furay mashruuc loogu magacdaray afuri walaalkaaga Sooman.
Hoos Ka Dhageyso Codka